Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof.Anyang Nyong’o ayaa bayaan uu soo saaraya ku hakiyey in mudaaharaadyo shacab lagu qabto gudaha Kisumu.
Waxaa uu sheegay in go’aankan la gaaray ka dib wada tashi dhex maray hoggaanka isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja iyo guddiga fulinta ee ismaamulkaasi.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in hoggaanka Kisumu uu weli sii wadaya u ololeynta in hoos loo dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Nyongo ayaa dhanka kale shacabka ku nool Kisumu ugu baaqay inay sharciga u hoggaansamaan oo ay ilaaliyaan nabadda iyo degganaanshaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga uu wacad ku maray inay berri dhigayaan dibadbax iyadoo dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto uu hoosta ka xarriiqay inaynan jirin cid sharciga ka sarreysa sidaas awgeedna la iskula xisaabtamaya burburinta hantida shacabka.
SUSPENSION OF PUBLIC DEMONSTRATIONS IN KISUMU! pic.twitter.com/BLutdldXDc
— Gov. Anyang' Nyong'o (@AnyangNyongo) March 29, 2023