Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo amaanay shaqaalaha dalka

Madaxweyne Ruto oo amaanay shaqaalaha dalka

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Berlin ee wadanka Jarmalka ka sheegay in shaqaalaha kenyaanka ah ay ka mid yihiin kuwo ugu wanaagsan caalamka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ka faa’iidaysan doonto xirfadaha kala duwan ee kenyaanka iyadoo sii xoojinaysa ka shaqeynta danaha qaranka.
Waxaa uu madaxweyne Ruto carrabka ku adkeeyay in howlwadeennada ay qiimo wayn u leeyihiin dalka.
Ruto oo hadalkan jeediyey xilli uu la kulmay kenyaanka qurba joogta ah ee ku nool Jarmalka ayaa xusay in dadaalka shaqaalaha wadanka awgiis, inay ka howlgeli karaan meel kasta oo dunida ka mid ah.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa intaasi ku daray in dowladda Kenya ay wada xaajood la yeelanaysa dalal uu Jarmalka ka mid yahay si dib u eegis loogu sameeyo arrimaha qurba joogta oo muwaadiniinta dalka ay fursado shaqo uga helaan dibadda.
Dhanka kale hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in Kenya ay dalkiisa la tahay saaxiib dhow sidaas awgeedna ay garab ku siin doonaan sidii badeecooyinka lagu soo saaro gudaha wadanka loogu iibgeyn lahaa suuqyada qaaradda Yurub.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladda Jarmalka uga mahadceliyay taageeradan isagoo shirkadaha halkaasi ku yaalla ku boorriyey inay maalgashi ka sameyaan Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments