Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya KEPSA oo sheegtay in dibadbaxyada Azimio uu wadanka ku lumiyo 3 bilyan...

KEPSA oo sheegtay in dibadbaxyada Azimio uu wadanka ku lumiyo 3 bilyan maalin kasta

Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee (KEPSA) ayaa sheegay in mudaaharaadyada ay sameeyaan siyaasiyiinta iyo taageerayaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ay wadanka u horseedaan khasaaro hantiyadeed.
Madaxa fulinta ee dalladda KEPSA ,Carole Kariuki oo bayaan soo saartay ayaa hoosta ka xarriiqday in maalin kasta oo uu mudaaharaad dhaco in Kenya ay lumiso dhaqaale dhan 3 bilyan oo shilin.
Ururkan ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay inay wax ka beddelaan mowqifkooda oo ay guda galaan qaab kale oo lagu xallinaya tabashooyinka ka dhexeya.
Carole Kariuki ayaa walaac ka muujisay dibadbaxyada mucaaradka ee maalmaha Isniinta iyo Khamiista waxayna ku tilmaantay kuwo dib u dhac ku keenaya ajeendaha dhaqaale ee dalka.
KEPSA ayaa sidoo kale laamaha ammaanka ugu baaqday in dhammaan kenyaanka ay u badbaadiyaan si aan eexasho lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments