Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 920 qof oo soo codsaday xilalka ka bannaan IEBC

In ka badan 920 qof oo soo codsaday xilalka ka bannaan IEBC

Ugu yaraan 920 ruux ayaa soo dirsaday codsiyo ay ku doonayaan inay buuxiyaan jagooyinka guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC iyo saraakiisha sar sare.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddi loo xil saaray inuu shaqaaleysiiyo howlwadeennada cusub ee IEBC .
Guddigan oo uu hoggaamiyo Nelson Makanda ayaa horay u shaaciyey in taariikhda kama dambeyska ee codsiyada la qabanaya ay tahay 28-kii March oo shalay ahayd.
Waxaa uu guddigu sheegay in 25 qof ay daneynayaan xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka halka 895 kale ay loolan ugu jiraan inay noqdaan saraakiisha sare ee guddiga .
Jagooyinka IEBC ayaa bannaanaaday ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii howlwadeenadii uu hoggaaminayay Wafula Chebukati.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments