Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa beeniyey eedeyn loo jeediyay oo ahayd inuu ka dambeeyay weerar Isniintii lala eegtay beerta qoyska madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka ayuu Ichung’wah xusay in eedeynta loo jeediyay ay tahay mid lagu dhaawacaya sumcadiisa.
Xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ayaa xusay in uunan falkaasi ku lug lahayn.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii isagoo ku sugan Kirinyaga uu Ichung’wah digniin u diray Uhuru oo uu sheegay in haddii aan la joojin burburinta hantida dadweynaha in isagana ay saameyn soo gaari karto.
Siyaasiyiinta Kenya Kwanza ayaa Uhuru ku eedeyay inuu maalgelinaya dibadbaxyada Azimio in kastoo Kenyatta uunan weli eedeyntan ka jawaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments