Shacabka dalka iyo mas’uuliyiinta qaar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dibadbaxyada maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee uu garabka mucaaradka qorsheeyay kaas oo ay ku cadaadinayaan dowladda dhexe.
Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee toddobaad walba qabanayaan mudaaharaadyo ay doonayaan in dowladda ay hoos u dhigto qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo in la furo hannaanka doorashada ee IEBC .
Hasa ahaate qaar ka mid ah dadweynaha ayaa qabo in mudaharaadka mucaaradka aan xilligan loo baahnayn islamarkaana mucaaradka ay fursad siiyaan dowladda dhexe, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin in Raila iyo xulafadiisa ay wadaan dadaal siyaasadeed oo xal loogu raadinaya caqabadaha taagan sidoo kalena qaar ay ku taliyeen in labada dhinac ay wada hadlaan.