Maxkamadda ismaamulka Kiambu ayaa damaanad lacageed oo min 1,000 ah ku siidaysay saddex dhallinyaro oo si wayn u taageera madaxa mucaaradka dalka Raila Odinga kuwaasoo dhawaan la qabtay.
Waxay kala yihiin Calvin Gaucho ,Nuru Okanga iyo Charles Ooko MC Olondo
Sidoo kale saraakiisha booliiska ayaa lagu amray inaynan xirin ama xabsiga ku sii hayn shakhsiyaadkan.
Habeenkii ay Jimcadu soo galeysay ayaa la qabtay dadkan oo lagu eedeyay inay ka qayb galeen dibadbax sharci darro ah sida uu sheegay qareenkooda Danstan Omari.
Waxay maxkamaddu sheegtay in haddii ay noqoto in dhallinyaradan dacwad lagu soo oogo in laga dalbado inay maxkamadda iska xaadiriyaan.
Sidoo kale saddexda qof ayaa xubno ka ah dhaqdhaqaaq la magac baxay golaha shacabka ee Bunge la Mwananchi