Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya Airways oo sheegtay inuu soo gaaray khasaarihii ugu badnaa

Kenya Airways oo sheegtay inuu soo gaaray khasaarihii ugu badnaa

Shirkadda duullimaadyada dalka ee Kenya Airways ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay uu in ka badan labo jibbaar noqday khasaaraha dhanka dakhliga ee ay diiwaangelisay.
Waxay shirkaddu xustay inay qiimo ahaan khasaartay ilaa 38.3 bilyan oo shilin una dhiganta 290 milyan oo doolar.
Tani ayay ku sheegtay natiijadii ugu xumayd ee soo martay taariikhda shirkadda.
Waxaa arrimahan shaaca ka qaaday guddoomiyaha shirkadda duullimaadka ee Kenya Airways Michael Joseph .
Sanadkii ka sii horreeyay ee 2021-kii shirkadda KQ ayaa diiwaangelisay khasaaro hantiyadeed oo gaaraya 120 milyan oo doolar.
Arrintan ayaa loo aaneeyay qiimaha shidaalka ee kordhay iyo hoos u dhaca ku yimid shilinka dalka marka loo barbardhigo doolarka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments