In ka badan 7 qof oo ku dhimatay daadad saameeyay Gilgil

0
274

Ugu yaraan 7 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen magaalada Gilgil ee ismaamulka Nakuru.
Tani ayaa timid ka dib markii daadad ka dhashay roobab culus oo xalay da’ay ay saameeyeen aagga loo yaqaano Oljorai.
Taliyaha booliiska ee Gilgil ,Francis Tumbo ayaa laga soo xigtay in dhowr qof oo kale ay dhaawacmeen.
Mr.Tumbo ayaa intaasi ku daray in hadda la raadinaya dad kale oo weli la la’yahay.