Xafiiska qaramada midoobay ee arrimaha xuquuqul aadanaha ayaa sheegay in uu xaqiijiyay warar uu daabacay wargayska The Guardian oo ku saabsan in loo hanjabay Agnes Callamard oo hor kacaysay kooxda baaraysa dilkii 2018-kii loo gaystay wariye Jamal Khashoggi.
Dilkaas ayaa ka dhacay qunsuliyadda Sacuudi Carabiya ay ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Afhayeenka qaybta xuquuqul insaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Rupert Colville ayaa warbaahinta u sheegay in wararka la xiriira hanjabaadda uu sarkaali sare oo u dhashay Sacuudiga kula kacay Callamard ay yihiin kuwo sax ah.
Maalinkii Talaadada ayuu wargeyska The Guardian oo soo xiganaya haweeneydan qoray in loogu goodiyay in tallaabo laga qaadaya hadii aynan iskaga harin baaritaanka ay ku howlan tahay.
Arrinkan ayaa lagu wargeliyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Callamard ayaa sheegtay in hanjabaadda ay timid xilli bishii koowaad ee sanadkan ay magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan ku yeelanayeen saraakiisha Sacuudi Carabiya iyo qaramada midoobay.
Waxay xustay in farriinta la xiriirta in ay nafteeda u turto uu la wadaagay sarkaal ay wada shaqeyaan oo loogu soo dhiibay dhambaalkan.