Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya iyo Jarmalka oo sare u qaadaya xiriirka ka dhexeya

Kenya iyo Jarmalka oo sare u qaadaya xiriirka ka dhexeya

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda Kenya uu qiimo wayn u leeyahay oo ayna diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinnimo ee ay la wadaagto Jarmalka.
Ruto ayaa xusay in sare u qaadidda xiriirka labada dal la doonayo in looga faa’iidaysto fursadaha sidoo kalena lagula tacaalo caqabadaha jira.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladahan ay si gaar ah uga wada shaqeyn doonaan la qabsashada saameynta ka dhalata isbeddelka cimillada.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la qaado tallaabo degdeg oo loo dhan yahay oo wax looga qabanaya isbeddelka cimillada si looga hor tago khatarta heer calami ee ku soo wajahan aadanaha.
Ruto ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay wada hadallo wax ku ool ah oo la xiriira badbaadinta bulshooyinka nugul.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha dalka sheegay in Kenya iyo Jarmalka ay iska kaashan karaan tamarta la cusbooneysiiyo , kaabayaasha , dhaqaalaha dhijitaalka ah , guriyeynta , wax soo saarka beeraha iyo arrimo kale.
William Ruto waxaa uu carrabka ku adkeeyay in shirkadaha Jarmalka oo maalgashi ka sameeyo gudaha wadanka ay fursad u siinaysa inay ku biiraan suuqyada EAC, COMESA iyo ganacsiga xorta ah ee ka dhexeya Afrika oo ay ka adeegtaan ilaa 1.4 bilyan oo qof sidoo kalena dakhliga guud ee soo galo uu yahay 3.4 triliyoon oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments