Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:In ka badan 150 haween oo ka faa’iidaysanaya barnaamij awood siin ah

DHAGEYSO:In ka badan 150 haween oo ka faa’iidaysanaya barnaamij awood siin ah

Shirkadda tabarucaadda ee M-PESA Foundation oo kaashanaysa hay’adda Rose Women’s Foundation ayaa fulinaysa barnaamij awood siin ah oo loogu tala galay dumarka.
Barnaamijkan oo lagu bartilmaameedsanaya dumarka ku howlan ganacsiyada yaryar ayaa waxaa ku baxaysa lacag dhan 6 milyan oo shilin.
Waxaa qayb ka ah in haweenkan ay helaan xirfado ay ganacsiyadooda uga dhigi karaan kuwo waara sidoo kalena mustaqbalka looga badbaadinaya saboolnimo.
In ka badan 150 haween ah oo ku nool xaafadda Dagoretti ee ismaamulka Nairobi ayaa ka faa’iidaysanaya awood siintan sida laga soo xigtay John Ohaga oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda M-PESA Foundation .
Mid ka mid ah haweenka ganacsatada ah ayaa muujisay dareenkeeda ku aaddan barnaamijkan lagu taageeraya dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments