Maxkamadda oo maanta go’aan ka gaaraysa dacwad ka dhan ah dibadbaxyada Azimio

0
406

Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda sare ee dalka ay maanta go’aan ka soo saarto dacwad loo gudbiyey oo looga soo horjeedo dibadbaxyada ay wadanka ka dhigayaan siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo taageerayaashooda.
Waxaa kiiskan maxkamadda geeyay hoggaamiyaasha dhallinyarada ee xisbiga UDA iyo ururka ganacsatada Nairobi.
Dhinacyadan ayaa doonaya in maxkamadda ay soo saarto amar lagu joojinaya mudaaharaadyada maadaama sida ay sheegeen uu ka dhashay burbur ganacsi oo baaxad leh.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shalay garsoore Hedwig Ongundi oo ka howlgasho maxkamadda sare ee dalka ay diiday inay tixgeliso codsi kani la mid ah oo uu gudbiyey barasaabkii hore ee dowlad deegaanka Nairobi Mike Sonko.