Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa maanta ansixiyey isbeddel lagu sameeyay xeerarka doorashooyinka ee wadankaasi.
Isbeddelkan ayaa xisbiyada yar ee Ciraaq iyo musharraxiinta madaxa bannaan fursad u siinaya inay kuraas ku guulaystaan xilliga doorashooyinka mustaqbalka.
Waxaa arrintan codkooda ku taageeray 206 ka mid ah 329-ka xildhibaan baarlamaanka Ciraaq halka 12 ay ka soo horjeesteen.