Golaha warbaahinta oo cambaareeyay fal lagu dhibaateeyay wariyaal

0
365

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa bayaan uu soo saaray si kulul ugu cambaareeyay falal shalay lagu weeraray wariyaal tabinayey dibadbaxyada.
Madaxa fulinta ee MCK David Omwoyo ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay khatar ku yihiin xurriyadda saxaafadda.
Waxaa uu xusay in MCK ay si dhow ula shaqeyn doonto saraakiisha ammaanka si gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadka weeraray suxufiyiinta.