Madaxweyne ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay xoghayeyaasha xafiiskiisa

0
273

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa la kulmay xoghayeyaasha maamulka sare ee loo xil saaray inay la shaqeeyaan xafiiskiisa.
Mas’uuliyiintan ayaa kala ah Ann Wanjiku Mwangi, Edwin Sudi Wandabusi iyo Nicholas Ngabiya Rioba.
23-kii bishan ayay xafiiska tageen ka dib markii la dhaariyey.
Gachagua ayaa xusay in xoghayeyaasha ay xafiiskiisa ku biirinayaan khibradda shaqo ee loo baahan yahay iyo firfircoonida la xiriirta gudashada waajibaadka shaqo.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maxkamadda sare ee dalka ay 50 xoghayeyaal ah oo uu magacaabay madaxweyne William Ruto ay u diiday inay xafiisyada la wareegaan inta laga soo gabagabeynaya dhageysiga go’aanna laga soo saaraya dacwad ay gudbiyeen ururka qareennada dalka ee LSK iyo machadka arrimaha sharciga ee Katiba Institute.
Go’aankan oo ay 24-kii bishan soo saartay garsoore Hedwig Ong’undi ayay mar kale maxkamaddu soo qaadi doontaa 28-ka bishan saddexaad.