Madaxweynaha dalka oo ganacsatada Jarmalka ugu baaqay inay maalgashi ka sameyaan Kenya

0
271

Madaxweynaha dalka William Ruto oo safar ku joogo wadanka Jarmalka ayaa ganacsatada halkaasi ku nool ka codsaday inay maalgashi ka sameeyaan gudaha Kenya.
Waxaa uu si gaar ah ugu boorriyey taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe ah.
William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay fursad u haysato inay ka faa’iido ganacsiyada Jarmalka oo uu ku tilmaamay kuwo habeysan oo horumar gaaray.
Dr. Ruto ayaa sheegay in dhaqaalaha Jarmalka uu in ka badan boqolkiiba 60 ku tiirsan yahay ganacsiga marka la eego abuuridda fursadaha shaqo.
Arrintan ayuu ka sheegay magaalada Berlin ka dib kulan uu la yeeshay guddoomiyaha ururka ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee(BVMW) Dr. Markus Jerger.
Guddoomiyaha ayaa laga soo xigtay in ururkan uu ka shaqeeyo danaha in ka badan 3.3 milyan oo ka mid ah shacabka Jarmalka.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in dowladda Kenya oo adeegsanaysa qorshaha ah in kobcinta dhaqaalaha dalka meel hoose laga soo billaabo ay ganacsiyada yaryar ku taageeri doonto sidii ay u ballaaran lahaayeen.
Waxaa uu sheegay in tani ay tahay sababta dowladda dhexe ay in ka badan 50 bilyan oo shilin ugu qoondeysay sanduuqa Hustler Fund ee lagu taageero ganacsatada muruq-maalka ah.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa tilmaamay in sanduuqan amaahda ah uu ilaa iyo hadda dhiirrigelin u noqday ganacsato badan.
Dr. Jerger ayaa dhankiisa sheegay inay jiraan fursado badan oo uga bannaan Kenya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay sameyn karaan maalgashi la xiriira qaabka ku saleysan tiknolojiyadda casriga ee loo kaydiyo dalagga marka uu beeraha ka soo go’o ka dib si uunan beeralayda uga khasaarin.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay inay maalgashiga noocani ah ka wadaan gudaha dalka Senegal.
Intaasi ka dib madaxweyne William Ruto ayaa la kulmay ururka horumarka dhaqaale iyo ganacsiga dibadda ee Jarmalka (BWA) oo uu hoggaaminayey guddoomiyahooda Michael Schumann.
Waxay dhinacyadan ku heshiiyeen siyaabo ganacsiyo badan oo ka jiro Jarmalka iyo kuwo kale oo heer caalami ah lagu soo gaarsiin karo Kenya.
Guddiga ayaa tusaale u soo qaatay inuu maalgashan karo dhinacyada dhaqaalaha dhijitaalka ah , xuquuqda hantida maskaxeed ,habeynta cunnada iyo arrimo kale.
Dhanka kale dowladaha Kenya iyo Jarmalka ayaa isku afgartay in meesha laga saaro caqabadaha aan canshuurta la xiriirin ee ku hor gudban xoojinta ganacsiga labada dhinac.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qorshahan shaaciyey ka dib kulan uu maanta la qaatay dhigiisa Jarmalka Dr Frank-Walter Steinmeier.
Labada mas’uul ayaa ku heshiiyey in dowladahooda ay xoojiyaan iskaashiga dhanka dhaqaalaha ah.