DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inuu diyaar u yahay in loo xiro hoggaaminta dibadbaxyada

0
406

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ka jawaabay hadal uu maanta jeediyey taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome oo ahaa in la xiri doono cid kasta oo ka qayb qaadata dibadbaxyada ay mucaaradku ku dhawaaqeen inay dhigayaan maalmaha Isniinta iyo Khamiista.
Mr. Odinga ayaa sheegay in shacabka ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay sameeyaan dibadbaxyo nabad ah ciidamada booliiskana ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amniga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xusay inuu berri hoggaamin doono dibadbaxayaasha oo uu diyaar u yahay in la xiro.

Odinga ayaa dhanka kale beeniyay eedeyn uga timid madaxweynaha dalka William Ruto oo ahayd in siyaasiyiinta mucaaradka ay qas ka wadaan gudaha wadanka si Kenya ay u noqoto dal aynan dowlad ka jirin wuxuuna sheegay inay u ololeynayaan cadaalad iyo dimuqraadiyad.