Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Taliyaha guud ee booliiska dalka oo sheegay in aan berri la sameyn...

DHAGEYSO:Taliyaha guud ee booliiska dalka oo sheegay in aan berri la sameyn karin dibadbax

Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japheth Koome ayaa sheegay inuunan ansixin dibadbax lagu qabanaya qayb ka mid ah wadanka.
Koome ayaa sharci darro ku tilmaamay mudaaharaadyada ay siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya qorsheeyeen inay dhigaan maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee toddobaad kasta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in saraakiisha ammaanka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay la tacaalaan cid kasta oo iskudayda inay ka qayb gasho dibadbax lagu carqaladeynaya xasiloonida wadanka.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska ayaa xusay in murannada siyaasadeed la doonayo in qaab kale loo xalliyo.
Waxaa uu dadweynaha ku wargeliyey in ciidamada booliiska aynan qof shacab ah uga baahnayn taageero la xiriirta ka falcelinta rabshadaha sidaasi awgeedna qofkii la arko isagoo sita dhagax, baangad iyo waxyaabaha la midka ah in gacanta lagu dhigi doono si maxkamad loo soo taago.
Koome ayaa cadeeyay in booliiska lagu amray inay tallaabo sharciyeed ka qaadaan cid kasta oo wax u dhimaysa xasiloonida wadanka iyadoo aan la eegayn mansabka uu qofkaasi ku dhex leeyahay bulshada.

Japheth Koome, taliyaha guud ee ciidamada booliiska dalka ayaa shacabka ku boorriyey inay berri sii wataan howlahooda caadiga ah oo aan looga mashquulin dano siyaasadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments