Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kiharu , Ndindi Nyoro ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn dhawaan uga timid madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa sheegay in Nyoro, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichungwa iyo ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ay yeesheen kulan laga qayb geliyey dhallinyaro si loo carqaladeeyo dibadbaxyada mucaaradka ee Isniinta iyo Khamiista.
Hasa ahaate Ndindi Nyoro ayaa sheegay inaynan waqti u hayn qorsheynta sida looga hortagaya dibadbaxyada balse ay ku mashquulsan yihiin fulinta mashaariicda horumarineed.