Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa sababta keentay in Raila Odinga looga guulaysto doorashadii sanadkii hore ku sheegay inuunan garab siyaasadeed ka helin madaxweynihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu tilmaamay in Uhuru uu keliya olole kooban ka waday gudaha Nairobi oo uunan shacabka ku nool bartamaha Kenya ka dhaadhicin inay codkooda siiyaan Mr. Odinga.