Moses Kuria oo meesha ka saaray wada hadal dhex mari karo Raila iyo Ruto

0
334

Wasiirka wasaaradda ganacsiga ,maalgashiga iyo warshadaha Moses Kuria ayaa sheegay inaynan suurtagal ahayn inuu wada hadal dhex maro madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Kuria oo wareysi siinayay warbaahinta BBC-da ayaa sheegay in dowladda dhexe ay adeegsan doonto xeelado cusub oo lagu xallinaya ismari waaga siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Moses ayaa tilmaamay in xeeladahan ay la mid yihiin kuwo horay laga isticmaalay waddamada Uganda iyo Rwanda in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.
Wasiirka ayaa xusay in dibadbaxyada mucaaradka aynan salka ku hayn qiimaha sarreeya ee maciishadda balse uu ku tilmaami karo keliya ‘argagixisannimo dhaqaale’.
Moses Kuria ayaa carrabka ku adkeeyay in isbeheysiga Azimio uu xubno ku leeyahay baarlamaanka iyo aqalka sare sidaas awgeedna arrimaha ay tabanayaan ay halkaasi ku soo bandhigi karaan.
Wasiirka wasaaradda ganacsiga ayaa hoosta ka xarriiqay in 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ay dalka ka dhacday doorasho daahfuran taaso ka dib markii ay natiijadeeda muran geliyeen garabka mucaaradka ay dacwadoodi laashay maxkamadda ugu sarreysa wadanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu siyaasiyiinta mucaaradka ugu baaqay inay joojiyaan dibadbaxyada maadaama ay carqaladeynayaan howlaha dhaqaale ee wadanka.
Hasa ahaate Raila Odinga ayaa sheegay inuunan wax isbeddel ah ku imaan qorshahoodi ahaa inay mudaaharaadyo dhigaan maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee toddobaad kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here