Ugu yaraan 457 qof ayaa la xiray halka 441 ka mid ah ciidamada ammaanka ay dhaawacmeen ka dib dibadbaxyo ka dhacay Faransiiska.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Gerald Darmanin.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in la soo tabiyay 903 oo ah dhacdooyin taayarro lagu gubay waddooyinka magaalada Paris.
Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeedaa isbeddel uu maamulka madaxweyne Emmanuel Macron ku sameeyay hannaanka howlgabka.