Ciidamada militariga ee dalka Maraykanka ayaa xalay duqeymo dhinaca cirka ah ka gaystay gudaha wadanka Syria.
Howlgallada oo dhowr ahaa ayaa lagu tilmaamay kuwo lagu beegsanayay kooxo uu Maraykanku rumeysan yahay inay taageero ka helaan dowladda Iiraan.
Kooxahan ayaa lagu eedeyay inay ka dambeeyeen weerar loo adeegsaday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu dilay 6 qof oo isugu jiray 5 ka mid ah ciidamada Maraykanka iyo qandaraasle.
Waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay hal qof oo kale.
Xoghayaha waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada taliska dhexe ee xukuumadda Washington ay fuliyeen weerar aargoosi ah.