Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo maamulkiisa ku soo daray xubno cusub

Madaxweynaha dalka oo maamulkiisa ku soo daray xubno cusub

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sameeyay magacaabid cusub isagoo saddex qof ku soo kordhiyey golaha fulinta ee dowladda dhexe.
Ruto ayaa qareenkii hore ee dowladda dhexe Kennedy Ogeto u magacaabay la taliyihiisa dhanka sharciga.
Mr. Kanza Nzai Munyika ayuu madaxweynaha u magacaabay la taliyihiisa arrimaha siyaasadeed.
Sidoo kale madaxii hore ee xafiiska maareynta miisaaniyadda dowladda Agnes Odhiambo ayaa laga dhigay madaxa bixinta adeegyada dowladda.
Madaxa waaxda adeegga dadweynaha sidoo kalena ah madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka Felix Koskei ayaa magacaabiddan ku shaaciyey bayaan uu soo saaray.
Waxaa bayaanka ku xusan in tani looga gol-leeyahay sii xoojinta maamul wanaagga iyo bixinta adeegyada shacabka ee golaha fulinta ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments