Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha Ukraine oo taageero waydiistay Midowga Yurub

Madaxweynaha Ukraine oo taageero waydiistay Midowga Yurub

Madaxweynaha wadanka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa hoggaamiyaasha Midowga Yurub ka codsaday inay dalkiisa ku taageeraan hub dagaal oo dheeraad ah.
Waxaa uu doonaya in ciidamada difaaca ee Ukraine lagu wareejiyo hub casri ah gaar ahaan diyaaradaha dagaalka iyo gantaallada riddada dheer.
Hoggaamiyaha Ukraine oo arrintan ka hadlay isagoo ku sugan magaalada Kyiv ee caasimadda dalkaasi ayaa sheegay in haddii taageerada ay u baahan yihiin aan la siin, caalamka laga doonayo inuu u diyaar garoobo sanado dheeraad ah oo uu sii soconaya duullaanka militari ee Ruushka.
Dagaalka weli ka taagan Ukraine ayaa soo billowday 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments