DHAGEYSO:Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo ku gacan seyray in wada hadal lala yeesho Raila

0
268

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay inaynan tixgelin doonin codsiyo uga yimid hoggaamiyaasha diimeed ee wadanka oo ku aaddan inay wada hadlaan madaxweyne William Ruto iyo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu Odinga iyo xulafadiisa siyaasadeed ku eedeyay inay gudaha wadanka ka wadaan rabshado lagu burburinaya hantida shacabka.
Rigathi Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan marnaba suurtagal ahayn in madaxweynaha wadanka uu wada xaajood la yeesho shakhsi sida uu hadalka u dhigay dambiile ah.

Gachagua ayaa xusay in xita haddii ay dhacdo in lala hadlo madaxa mucaaradka aan fursad loo siin doonin inuu ku biiro maamulka talada haya.