Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 60 ka mid ah kallumeysatada dalka oo ay xireen...

In ka badan 60 ka mid ah kallumeysatada dalka oo ay xireen maamullada Uganda

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Homa Bay Moses Lilan ayaa sheegay in labadii toddobaad ee la soo dhaafay ciidamada wadanka Uganda ay xireen ugu yaraan 60 kallumeysato oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Kenya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga wada xaajoonaya sidii kallumeysatada lagu soo siidayn lahaa.
Wada hadallada ayuu Lilan tilmaamay in loo maraya qaab dibloomaasiyadeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in kallumeysatadan iyo doomahooda oo gaaraya 30 gacanta lagu dhigay xilli ay ka kallumeysanayeen harada Victoria.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadkan lagu eedeyay inay sameeyeen xadgudub dhanka soodhinta biyaha ah iyo inay ka tallaabsadeen xeerarka kallumeysiga ee u degsan dalka Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments