Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in kormeer qoto dheer laga sameynaya xadka uu wadanka la wadaago Tanzania ka dib markii dalkaasi laga diiwaangeliyay caabuqa Marburg.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth ayaa dhammaan saraakiisha caafimaadka ee ismaamullada ku amray inay feejignaadaan.
Dadweynaha ayuu sidoo kale ku boorriyay inay taxaddar muujiyaan oo ay xarunta caafimaad ee ugu dhow tagaan haddii ay isku arkaan astaamaha caabuqan sida qandho,matag iyo dhiig bax soconaya inta u dhexeysa 5 ilaa 7 maalmood.