Madaxweynaha dalka oo xoghayeyaasha ku boorriyay inay si daacad ah ugu adeegaan qaranka

0
287

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa 50 sarkaal oo maanta loo dhaariyey xilalka xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe kula dardaarmay inay dhammaan shacabka ugu adeegaan si siman oo ay daacadnimo ku dheehan tahay.
Waxaa uu u sheegay in laga doonayo inay si joogto ah wada tashi u sameeyaan si wadanka uu horumar wax ku ool ah u gaaro.
Ruto ayaa xusay in la joogo xilligii la wada shaqeyn lahaa iyadoo aan la eegayn kala duwanaanshaha siyaasadeed.
Waxaa uu xoghayeyaasha cusub ee maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe u sheegay inuu ka rajeynaya inay waajibaadkooda shaqo uga soo baxaan sida laga doonayo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in saraakiishan ay qasab ku tahay inay u hoggaansamaan xeerarka dastuuriga ah.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inaynan jirin cid sharciga ka sarreysa xita mansab kasta oo uu qofku ku dhex leeyahay bulshada.
Dhaarinta xoghayeyaasha waxaa sidoo kale goobjoog u ahaa ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua, marwada koowaad Rachel Ruto, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, wasiirro, xoghayeyaal joogto ah , xildhibaannada baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa la filayay in baarlamaanka dalka uu turxaan bixin ku sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabay xilalka xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha.
Hasa ahaate afhayeenka madaxtooyada wadanka Xuseen Maxamad oo bayaan soo saaray ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula uu arrintan dib ugu soo celiyey hoggaamiyaha wadanka .
Wetangula ayaa xusay in baarlamaanka uunan awood dastuuri ah u lahayn turxaan bixinta mas’uuliyiintan.
Madaxweyne Ruto ayaa intaasi ka dib si rasmi ah u magacaabay saraakiishan waxayna maanta ku dhaarteen inay waajibaadkooda shaqo u gudan doonaan si waafaqsan xeerarka dalka iyagoo aanan cidna u eexan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here