Bangiga adduunka oo sheegay in 411 bilyan oo doolar ay ku baxaysa dib u dhiska Ukraine

0
307

Bangiga adduunka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in loo baahan yahay qiyaastii 411 bilyan oo doolar si dalka Ukraine uu uga soo kabto burburka ka soo gaaray duullaanka militari ee Ruushka.
Dib u dhiska Ukraine ayaa qaadan karto muddo toban sano ah sida warbixinta ku cad.
Bangiga adduunka ayaa sidoo kale laga soo xigtay in keliya sifeynta burburka la gaarsiiyay magaalooyinka Ukraine uu ku baxaya qarash dhan 5 bilyan oo doolar.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiimahan uu yahay midka ugu yar ee la adeegsan karo marka la eego baaxadda saameynta dagaalka oo weli socdo.
Sidoo kale bangiga adduunka ayaa warbixintiisa ku xusay in duullaanka militari ee uu Ruushku ku qaaday Ukraine 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore in lagu burburiyay ku dhawaad 2 milyan oo guriyo ah.
Waxaa uu burbur soo gaaray in ka badan hal ka mid ah shanti isbitaalba.
Sidoo kale waxaa burburay ama la xaday 650 oo ah gaadiidka gurmadka degdegga waxaana dagaalka ku dhintay 9,655 qof oo shacab oo ay ka mid yihiin 461 carruur ah.