Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Senatarka Busia oo ka soo horjeestay shaqaaleysiinta saraakiisha IEBC

Senatarka Busia oo ka soo horjeestay shaqaaleysiinta saraakiisha IEBC

Senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa wacad ku maray inuu maxkamadda geyn doono dacwad uu uga soo horjeedo shaqaaleysiinta guddoomiyaha iyo saraakiisha sare ee guddiga IEBC.
Waxaa uu Omtatah sharci darro ku tilmaamay qaabka loo howlgelinaya shaqaalaha guddig madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka.
Senatarka Busia ayaa intaasi ku daray in aqalka sare uu qaab aanan nidaam ahayn u meel mariyey xeerka doorashooyinka ee sanadkan.
Okiya Omtatah ayaa dalbanaya in la joojiyo geeddisocodka lagu shaqaaleysiinaya xubnaha beddelaya Wafula Chebukati iyo howlwadeenadii kale ee uu muddo xileedkoodu dhammaaday.
Waxaa uu doonaya in arrintan si buuxda looga qayb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadeed.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments