Willy Mutunga oo loo magacaabay guddoomiyaha guddiga MUHURI

0
279

Madaxii hore ee waaxda cadaaladda dalka Dr. Willy Mutunga ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga maareeya hay’adda u dooda xuquuqda muslimiinta ee (MUHURI).
Mutunga oo hoggaamin doono guddiga agaasimayaasha MUHURI ayaa beddelaya Khelef Khalifa.
Hay’adda ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay isbeddelkan cusub.
Waxaa qoraalka ku cad in Mutunga uu hay’adda uga faa’iidayn doono waaya aragnimadiisa dhanka u ololeynta xuquuqul aadanaha iyo arrimaha bulshada.
Sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii Dr. Willy Mutunga uu xubin ka noqday hay’adda MUHURI .
Waxaa uu madaxa cadaaladda ee Kenya ahaa intii u dhexeysay sanadihii 2011- 2016-kii.