Dowladda dalka Tanzania ayaa xaqiijisay Siddeed xaaladood oo la xiriira caabuqa loo yaqaano Marburg.
Astaamaha caabuqan ayaa la mid ah kuwa Ebola.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay tahay markii ugu horreysay ee caabuqa Marburg laga diiwaangeliyay gudaha Tanzania.
WHO ayaa intaasi ku dartay in shan qof ay caabuqa ugu dhinteen gudaha wadankaasi.
Dhimashadan ayaa laga soo tabiyay gobolka Waqooyiga Galbeed ee Kagera.
Astaamaha caabuqa waxaa ka mid ah qando, matag iyo dhiig bax.