Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa beesha caalamka ka codsatay inay ka baaraan degto xayiraad dhinaca safarrada ah oo lagu soo rogo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya Raila Odinga iyo xulafadiisa siyaasadeed.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin ka dib markii Odinga uu shaaciyay inay maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee toddobaad kasta ay dhigi doonaan dibadbax ka dhan ah dowladda .
Hasa ahaate wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo warqad u qortay safaaradaha dalalka kale ee magaalada Nairobi , hay’adaha qaramada midoobay iyo waaxyaha caalamiga ah ayaa sheegtay in madaxda mucaaradka ay ku howlan yihiin carqaladeynta amniga iyo xasiloonida qaranka.
Waxaa qoraalka wasaaradda ku cad in dibadbaxyada iyo burburka hantiyadeed ee la gaystay Isniintii ay yihiin nidaam uu Raila adeegsanayay tan iyo sanadkii 1997.
Sidoo kale waxay wasaaraddu xustay in hanjabaadda Raila ee ah inay tagayaan xarunta madaxtooyada dalka ee State House ay tahay qaran dumin.