Madaxweynaha oo wacad ku maray in la iskula xisaabtamaya carqaladeynta dhaqaale

0
330

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ballanqaaday in cid kasta oo caqabad ku noqoto habsami u socodka kobaca dhaqaale ee wadanka in lala xisaabtami doono.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan karin waxa uu ku tilmaamay ‘argagixisada dhaqaale’.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaynan jirin sabab uu qof u carqaladeyn karo jawiga ganacsi iyo dhaqdhaqaaqa howlaha dhaqaalaha ee dalka.
Ruto ayaa sheegay inay qasab tahay in sida ku habboon loola xisaabtamo cid kasta oo sidan sameysa isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay ka go’an tahay xaqiijinta nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.
Dhanka kale madaxweyne Ruto ayaa sheegay inuu rajeynaya in labo toddobaad gudahooda la xalliyo hoos u dhaca ku yimid qiimaha shilinka wadanka marka loo barbardhigo doolarka Maraykanka.