Guddiga ay dowladda dhexe u xil saartay ka falcelinta saameynta abaarta ayaa sheegay inuu uruuriyay lacag gaaraysa hal bilyan oo shilin.
Guddigan ayaa toddobaadkan cunno gargaar ah u qaybin doono shacabka ku nool 9 ismaamul oo kala ah Garissa, Nyeri, Taita Taveta, Narok, Meru, Baringo, Kwale, Marsabit iyo Makueni.
Waxaa caawimaaddan ka faa’iidaysan doono ugu yaraan 290,000 oo ruux.
Tirada qoysaska loogu talagalay gargaarkan ayaa ah 48,560 sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga qaran ee ka falcelinta saameynta abaarta sidoo kalena ah madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Peter Ndegwa.
Tani iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore waxaa uu guddigan gurmad u fidiyey in ka badan 400,000 oo kenyaan ah.
Qoysaskan oo gaaraya 67,000 ayaa ku kala nool ismaamullada Marsabit, Turkana, Mandera, Wajeer, Kilifi, Kitui, Kajiado, Isiolo, Samburu iyo Meru .
Warbixintii ugu dambeysay ee maamulka qaran ee maareeya saameynta abaarta ee (NDMA) ayaa muujinaysan in 6 milyan oo qof oo ku nool 32 ka mid ah ismaamullada dalka inay haysato cunno yari.
Waxay nafaqo darro haysataa ugu yaraan 970,000 oo carruur ah iyo 142,000 oo ah haween uur leh.
Bishii Toddobaad ee sanadkii 2022-kii tirada carruurta ee la il daran nafaqo darrada gudaha wadanka waxay ahayd 884,000 .
Sidoo kale warbixinta NDMA waxaa ku xusan in ugu yaraan 2.6 milyan oo neef oo xoolo ah ay ku dhinteen abaarta.
Sidoo kale waxaa boqolkiiba 60 guray ceelasha biyaha halka biyaha ku jiro webiyada ay hoos u dhaceen boqolkiiba 40.