Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dibadbaxyada ay Isniin kasta ka sameyn doonaan guud ahaan dalka.
Junet Maxamad oo laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka bariga Suna ee ismaamulka Migori sidoo kalena isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uu qaabilsan dhanka kala dambeynta ee baarlamaanka ayaa sheegay in hadii cabashadooda la xalliyo ay dibadbaxyada qorsheysan ka laabanayaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in booliiska ay yihiin kuwa mudaaradyada ka dhigi karo mid nabdoon ama rabshadeysan.
Dhanka kale senetarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna ayaa sheegay in maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ay IPOA u gudbinayaan codsi ah in saraakiishii booliiska ee shalay carqaladeeyay dibadbaxyadii isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya shaqada laga joojiyo.