Dowladda dalka Itoobiya ayaa Maraykanka ku eedeysay inuunan dhexdhexaad ka noqon warbixin uu ka soo saaray dagaalladii labo sano ka taagnaa gobolka waqooyi ee Tigray.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in warbixinta xukuumadda Washington ay abuuraysa xiisad aan loo baahnayn.
Shalay ayay ahayd markii uu Maraykanka sheegay in dhinacyadii ku dagaallamayay Tigray ay labaduba gaysteen dembiyo dagaal.
Waxaa warbixinta si gaar ah loogu magacdhaway ciidamada Itoobiya, Eritrea iyo kuwa gobolka Amhara oo lagu eedeyay inay fuliyeen dembiyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha iyadoo aan la xusin waxyeellada TPLF.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo toddobaadkii hore safar ku tagay Itoobiya ayaa ku baaqay in la iskula xisaabtamo xadgudubyadii la gaystay intii ay colaaddu socotay.