Guddiga adeegga booliiska oo xayeysiiyay jagada ku xigeenka taliyaha guud

0
261

Guddiga adeegga qaran ee booliiska ee (NPSC) ayaa shaaciyay inay bannaan tahay jagada ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka .
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay howlgab noqday Edward Mbugua oo laamaha ammaanka ka mid ahaa ku dhawad 40 sano.
Guddoomiyaha guddiga (NPSC)Eliud Kinuthia ayaa sheegay in cid kasta oo daneynaysa inay xilkan buuxiso sidoo kalena ka soo bixi karta shuruudaha laga doonaya , ay codsigeeda soo dirsan karto ugu dambeyn abaare 5-ta galabnimo ee 26-ka bishan Saddexaad.
Guddiga adeegga qaran ee booliiska ayaa shalay Cabdalla Komesha si ku meel gaar ah ugu magacaabay inuu 14 cisho u sii hayo xilkii uu banneeyay Mbugua.