Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Mas’uuliyiinta xisbiga UDA oo dalbaday in Raila lagula xisaabtamo saameynta dibadbaxyadii shalay

DHAGEYSO:Mas’uuliyiinta xisbiga UDA oo dalbaday in Raila lagula xisaabtamo saameynta dibadbaxyadii shalay

Siyaasiyiinta xisbiga UDA oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga lagula xisaabtamo saameynta ka dhalatay dibadbaxyadii ay shalay ka dhigeen qaar ka mid ah magaalooyinka dalka.
Xubnaha xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne William Ruto ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka Japhet Koome ugu baaqay inuu xaqiijiyo in mucaaradka lagula xisaabtamo burbur hantiyadeed oo la soo tabiyay.
Xoghayaha guud ee xisbiga UDA Cleophas Malala ayaa dhanka kale cambaareeyay tallaabada ay shalay dibadbaxayaal ku burburiyeen baabuur la dhigay xarunta xisbiga uu ku leeyahay xaafadda Nyalenda ee ismaamulka Kisumu.

Sidoo kale waxay doonayaan in xabsiga la dhigo madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta oo ay ku eedeynayaan inuu maalgelinaya mudaaharaadyada.
Raila Odinga ayay ku eedeyeen in isagoo qiil ka dhiganaya u ololeynta sidii ay dowladdu u xallin lahayd qiimaha sarreeya ee maciishadda inuu horseeday qalalaase ka dhacay caasimadda dalka ee Nairobi iyo magaalooyin kale.
Hasa ahaate dhawaan ayay ahayd markii Raila Odinga oo wareysi bixiyay uu beeniyay in Uhuru Kenyatta uu ku lug leeyahay dibadbaxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments