Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha oo dalbaday in la baaro habdhaqanka booliska...

Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha oo dalbaday in la baaro habdhaqanka booliska ee dibadbaxyadii shalay

Guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee KNCHR ayaa cambaareeyay dibadbaxyadii shalay wadanka ka dhacay .
Guddoomiyaha guddigan Roseline Odede ayaa sheegtay in dibadbaxayaasha qaar ay gaysteen burbur hantiyadeed.
Guddigan ayaa dhanka kale doonaya in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo warbixinnada tilmaamaya in saraakiisha ammaanka ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha iyagoo dhaawacyo u gaystay.
Waxay Odede taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ugu baaqday inuu xaqiijiyo in saraakiisha amniga ay ilaaliyaan xeerarka dastuuriga marka ay la tacaalayaan mudaaharaadyada.
Ms. Odede ayaa xustay in iyagoo kaashanaya maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee (IPOA) ay xaqiijin doonaan eedeymaha loo jeediyay ciidamada ammaanka si loola xisaabtamo askarigii adeegsaday awood xad-dhaaf ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments