Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ra’iisul wasaaraha Japan iyo madaxweynaha Ukraine oo maanta kulan yeelanaya

Ra’iisul wasaaraha Japan iyo madaxweynaha Ukraine oo maanta kulan yeelanaya

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa lagu wadaa inuu maanta safar ku tago caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu halkaasi kula kulmo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Japan ayaa socdaalka Kishida ku tilmaantay mid garab istaag loogu muujinaya dowladda Ukraine oo ay saameyn ba’an ka soo gaartay duullaanka militari ee Ruushka.
Dowladda Japan iyo waddamada reer galbeedka ayaa horay Ruushka ugu dhaliilay duullaanka militari ee uu 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore ku qaaday Ukraine welina uu howlan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments