Taliye ku xigeenkii booliiska oo howlgab noqday

0
395

Waxaa howlgab noqday Edward Mbugua oo ka mid ahaa ku xigeennada taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka.
Tallaabada uu ku dhawaad 40 sano ka dib shaqada uga fadhiistay Mbugua ayaa waxaa  ansixiyay guddiga adeegga qaran ee booliiska.
Guddoomiyaha guddigan Eliud Kinuthia ayaa sheegay in xilkii uu hayay Mbugua lagu wareejiyay Cabdalla Komesha oo sii ahaan doono ku sime.
Adeegga qaran ee boolisika dalka waxaa hoggaamiyo taliyaha guud ee ciidanka booliiska Japheth Koome waxaana ku xigeenno u ahaa Edward Mbugua oo howlgab noqday iyo Nuur Gaabow oo weli shaqeynaya.