Waxaa magaalada Dadaab lagu qabtay kulan dadwayne oo ay ka soo qayb galeen wasiirka arrimaha dhulalka iyo qorsheynta ee dowlad deegaanka Garissa, qaar ka mid ah wakiillada deegaanka Dadaab iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Shacabka ayaa lagu boorriyay inay soo dhaweeyaan mashruuca maamul dagmeedka hoose ee loo yaqaano Municipality oo halkaasi laga hirgelinaya.
Madaxa xafiiska ismaamulka Garissa u qaabilsan Dadaab Aamiin Xaaji Cabdullahi ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda barnaamijkan, wuxuuna dadweynaha ka codsaday inay ka qayb qaataan hirgelintiisa.