Madaxda Maamulada Soomaaliya oo Kulan yeelanaya Maanta

0
487

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada muqdisho kulamo ku yeelanayay qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, kulamadaas oo looga hadlayay khilafka doorashada iyo sida looga gudbi karo.
Kulamadii u dambeeyay ee dhex-maray Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa furre u noqday shir ay maanta isugu imaan doonaan Shanta Madaxweyne Madaxweyne Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii looga heshiin lahaa ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.
Dhowr jeer ayaa Madaxda dowlad Goboleedyada waxaa ay shir la yeesheen Wakiilada Beesha caalamka, iyaga oo ka wada hadlayay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa xilligaan waxaa ay wadaa dadaaladii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii la isugu keeni lahaa saamileyda siyaasadeed ee dalka, si ay uga heshiiyaan doorashada Soomaaliya oo weli khilaaf ka taagan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here