Guddiga ugu sarreeya ee dowladda Ruushka u qaabilsan baaritaannada dembiyaha ayaa lagu soo warramayaa inuu furay kiis ka dhan ah maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Tani ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii ay maxkamaddu amartay in la soo xiro madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.
Guddiga ayaa sheegaya inaynan jirin sababo loo cuskan karo in dacwad maxkamadeed lagu soo oogo Putin.