Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in qof waliba oo kenyaan ah uu ku qasban yahay inuu u hoggansamo xeerarka dastuuriga ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in Kenya ay tahay dal xeerar lagu maamulo sidaasi awgeedna qof kasta laga doonaya inuunan ku dhaqaaqin fal dastuurka ka baxsan.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka hadlay xilli maanta la dhaarinayay qareenka cusub ee dowladda dhexe Shadrack Mose.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in iyadoo cid waliba ay adeegsanaysa xuquuqdeeda dastuuriga ah haddana loo baahan yahay in la xaqiijiyo in aan lagu xadgudubin xuquuqda dadka kale.
Madaxweyne Ruto ayaa dhanka kale sheegay inuu ku kalsoon yahay qareenka dowladda oo uu rajeynaya inuu qaranka uga faa’iideeyo aqoontiisa, fahankiisa iyo waaya aragnimadiisa dhanka sharciga.
Ruto ayaa sidoo kale sheegay inay diiradda saarayaan sidii gudaha wadanka looga sameyn lahaa maalgashi shisheeye oo toos ah si loo yareeyo deymaha ay Kenya qaadato.
Madaxweynaha ayaa Mr. Shadrack Mose kula taliyey inuu xaqiijiyo in dowladda ay hesho matalaadda dhanka sharciga ee ay u baahan tahay ee marxaladaha kala duwan.
Qoraal ka soo baxay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in aanan marnaba loo dulqaadan doonin in qofka sharciga jabiya aan lala xisaabtamin.
WE WILL NOT REWARD IMPUNITY, PRESIDENT RUTO INSISTS
President @WilliamsRuto has said he will not condone impunity in the country. https://t.co/aykCEZBnOG pic.twitter.com/ufEOFb5tFA— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 20, 2023
"As we enjoy our rights as individuals, we must be careful to ensure that we do not trample on the rights of others."
He was speaking on Monday at @StateHouseKenya, Nairobi, where he witnessed the swearing in of Solicitor General Shadrack Mose. https://t.co/aykCEZBnOG pic.twitter.com/v2CJGh5hDp
— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 20, 2023