Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dibadbaxyada maanta ka dhacay wadanka iyo xarumaha ganacsi ee la xiray awgood in wadanka uu lumiyay ama uu soo gaaray khasaare dhaqaale oo ah ku dhawaad 2 bilyan oo shilin.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta .
Gachagua ayaa dekadda Mombasa ku guddoomay ilaa 25,000 oo ah qamaddi ay ku deeqeen hay’adaha caalamiga si loo gaarsiiyo ismaamullada ay abaartu saameysay.
Waxaa uu shacabka iyo saaxiibbada Kenya u xaqiijiyay in wadanka ay xasilooni ka jirto oo uu weli maamulka haya madaxweyne William Samoei Ruto.
Rigathi Gachagua ayaa u mahadceliyay muwaadiniinta aan tixgelin baaqii mucaaradka Azimio ee ahaa inay si wayn ugu soo baxaan dibadbaxyada gaar ahaan magaalada Nairobi.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhanka kale siyaasiyiinta mucaaradka ka codsaday inay mudaaharaadyada joojiyaan oo ay ka shaqeeyaan sidii lagu joogteyn lahaa xasiloonida magaala madaxda wadanka.




