Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska dowlada Federalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe ayaa ku adkeeyey Danjireyaasha ka howl-gala Gudaha dalka Soomaaliya inay ilaaliyaan madaxbannaanida iyo qarannimada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay Wasiirku in mararka Qaar Farriimaha ay soo diraan qaar ka mid ah Danjireyaasha Shisheey aysan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah, islamarkaana Soomaaliya ay ku tahay xadgudub.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay Wasiir Dubbe inaysan aqbali doonin in dalka lagu soo xadgubo madaxbananidiisa loona baahan yahay in safiiradkasta aysan kasoo gudbin xadka loogu tala galay.
Cismaan Abuukar Duube Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa Hoosta ka Xariiqay in cidii dambe ee farriimo hanjabaad ah dowladda dhexe ee Soomaaliya u soo dirta laga qaadi doono tilaabo waafaqsan sharciga.
Qaar ka mid ah dowladdaha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa saacaddihii lasoo dhaafay si adag u cambaareeyay khilaafka doorashooyinka iyo Madaxda Soomaalida ay ku fashilmeen in ay heshiis keenaan.